Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Md. Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo maanta kormeer shaqo ku tegay degmooyinka Shingaani iyo Boondheere, ayaa wadahadallo miro-dhal ah la yeeshay Xubnaha Golaha Maamulka (Councillors) degmooyinkaasi.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta iskaashiga, horumarinta wadashaqaynta, iyo dhiirrigelinta tusaaleyn bulsho oo ku saleysan midnimo iyo wadajir.
Intii uu ku sugnaa degmooyinkan, Md. Yabooh wuxuu si toos ah u dhagaystay xubnaha maamullada, isagoo ka diiwaangeliyay caqabadaha iyo fursadaha jira, isla markaana ku dhiirrigeliyay in la xoojiyo wadashaqaynta maamulka dhexdiisa ah ee degmo kasta iyo cilaaqaadka bulshada, si looga wada faa’iideysto horumarka iyo nabadda gobolka.
Guddoomiye Ku-xigeenka ayaa ku adkeeyay in iskaashiga maamulka ee degmada kasta uu yahay aasaaska horumarka waara, isla markaana ay tahay in degmo kasta oo gobolka ka mid ah ay noqoto tusaale wanaagsan oo ka turjumaya midnimo iyo wadajir.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar walba ku boorriya dhammaan qeybaha bulshada iyo maamullada degmooyinka in ay ka shaqeeyaan midnimo, iskaashi, iyo horumar loo dhan yahay, si loo xaqiijiyo bulsho isku duuban oo ka faa’iidaysata kheyraadkeeda.
Kulamada oo ahaa kuwo kala gaar-gaar ah oo ka kala dhacay labada degmo ayaa ku soo dhamaaday jawi is-faham iyo wadajir ku suntan.













