Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta guddoomiyey shirka Amniga oo lagu falanqeeyay xaaladda caasimadda iyo guud ahaan gobolka Banaadir.
Shirka oo ay goobjoog ahaayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, iyo Taliyeyaasha guutooyinka Militariga ee ka shaqeeya taageerada booliska ee loo yaqaan Bolisiya Militaaro, ayaa lagu guudmaray:
Dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo degmooyinka gobolka, Kordhinta wadashaqeynta iyo isku xirka hay’adaha amniga iyo maamulka gobolka. Ka hortagga falalka amni-darrada iyo abuuridda jawi nabadeed oo shacabka loogu adeego si hufan.
Shirka ayaa adkeeyey: In la xoojiyo joogteynta is-dhexgalka iyo xog-wadaagga hay’adaha amniga, In la dar-dargeliyo hawlaha ka hortagga falalka nabadgelyo-darrada, iyadoo xoogga la saarayo degmooyinka istaraatiijiga ah ee caasimadda, In si joogto ah loo qabto shirar is-daba joog ah oo lagu qiimeeyo horumarka iyo caqabadaha amniga.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa ku nuuxnuuxsaday in nabadgelyada iyo xasilloonida caasimaddu ay saldhig u tahay horumarka guud ee dalka, isla markaana maamulka gobolka ay ka go’an tahay inuu la shaqeeyo dhammaan hay’adaha amniga.
Shirka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad mideysan oo ku saabsan in la sii wado tallaabooyinka lagu xaqiijinayo nabadgelyada iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo hareeraheeda, iyadoo la ilaalinayo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta.