Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar oo ka Daah-furay Muqdisho Tababar la xiriira xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta: SAWIRRO

0
47

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa daahfuray tababar la xariira xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta, kaasi oo ay ka qeyb galayaan guddiyada nabadgelyada degmooyinka, qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, dhallinyarada, haweenka iyo culumaa-udiinka.

Tababarkan ayaa lagu qaadanayaa cashiro la xariira doorka ay bulshada rayidka ku leeyihiin xalinta khilaafaadka iyo nabadeynta taasi oo qayb ka ah qorshaha xasilinta iyo xoojinta nabadgelyada Caasimadda, si loogu diyaar garoowo qabsoomida doorasho qof iyo cod.

Sidoo kale, Tababarkaa ayaa qayb ka ah sidii ay guddiyada nabadgelyada degmooyinka gobolka Banaadir ugu qayb qaadan lahaayeen doorkooda ku aaddan isku xirka maamulka gobolka Banaadir iyo bulshada si loo gaaro magaalo nabdoon, nadiif ah, dadkeedana ay ka qayb-qaataan horumarinta caasimadda.

Ugu dambeyn, waxaa goobjoog ka ahaa agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka banaadir, Cabdinaasir Xersi Iidle, wakiilka arrimaha haweenka ee xafiiska duqa, Faafumo Fiican iyo agaasimaha xiriirka dadweynaha ee gobolka Banaadir, Mukhaar Dhega-cadde.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here