Ciidanka Booliiska Somalia oo gacanta ku soo dhigay gacan-ku-dhiigle dil u geystay Bajaajle

0
297

Ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedeysan dilka wiil Bajaajle ah oo shalay lagu dilay meel u dhaw isgoyska Jubba ee dagmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya, Sadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka oo gacanta ku hayay baaritaanka kiiskaas ay gacanta ku soo dhigeen nin ku eedaysan dilka Bajaajlaha, cadaaladdana la horgeynayo.

“Gacanta laamaha ammaanka ayuu ku jiraa ninka falka dilka u geystay marxuumka Bajaajlaha ahaa, waxay ahaayeen saaxiibo mana ahayn askari ka tirsa ciidanka qalabka Sida, waxaana u gudbinaynaa hay’adaha ku shaqada leh si caddaaladda loo marsiiyo“ ayuu yiri afhayeenka booliiska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sheegay in qofkii dil geysta sharciga la horgeyn doono, si isna loo mariyo sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here