Wariyeyaal tiradoodu gaarayso 30 ayaa maanta tababar ku saabsan bad-qabka suxufiga iyo ka fogaanshaha wararka been abuurka ah loogu soo gabagabeeyay Muqdisho, waxaana soo xiray guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).
Tababarkan ayaa qabashadiisa waxaa iska kaashaday maamulka gobolka Banaadir iyo ATMIS, waxaana wariyeyaasha lagu baray sadexdii maalmood oo uu socday sida la isaga hubiyo wararka aan la been abuuray iyo sida wariyuhu uga fikir lahaa bad-qabkiisa.
Agaasimaha Idaacada codka caasimadda ee gobolka Banaadir, mudane Cabdinaasir Xersi Iidle oo xitaanka tababarka ka hadlay ayaa ku booriyay suxufiyiinta inay ka fogaadaan wararka aan la hubin ee been abuurka ah, si aan bulshada Soomaaliyeed loo marin-habaabin.
“Wariyaha waxa ugu horreeya ee looga baahan yahay waa inuu leeyahay anshax, ilaaliyana anshaxa mihnadda sxaafadda,” ayuu yiri agaasime Iidle oo intaas ku daray in wararka been-abuurka ah ay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ugu horreeyaan madaxda, wuxuuna ku baaqay in wariyeyaashu ay ka fogaadaan wararka aan runta ku saleysnayn, ayna wararka soo gaara iska hubiyaan dhawr jeer.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo soo xiray tababarka ayaa sheegay inuu ku fataxsan yahay in khuburo saxaafadeed ay tababareen muddo saddex maalmood ah wariyeyaal ka hawlgala Caasimadda, waxaana suxufiyiinta nasiibka u yeeshay inay tababarkan ka faa’iideystaan laga doonayaa inay dabaqaan wixii ay barteen.
“Wariyaha waxaa looga baahan yahay in uu noqdo qof akhlaaq leh, runloow ah oo aan shaqada uu ummadda u hayo ka been sheegin. Waxa kale oo looga baahan yahay wariyaha inuu noqdo mid wararkiisa lagu kalsoonaado oo aan la dhibsan,” ayuu yiri guddoomiye Yabooh oo la dardaarmayay suxufiyiintii tababarka loosoo xiray.
Dhabka kale, qaar ka mid ah suxufiyiintii tababarka ka faa’iideystay ayaa sheegay in wax badan ay ka faa’iideen tababarka ayna dabaqi doonaa cilmigii la baray, waxa ayna xuseen in aqoon aanay horay u ogeyn ay ka barteen macallimiintii tababarka bixinaya muddada saddexda maalmood ah.
Tababarkan ayaa waxa bixinayay khuburo saxaafadeed oo kala ahaa; Guuleed oo ka soo sgaqeeyay warbaahinta caalamka iyo Yuusuf Xasan iyo Maxamed Maxamuud Cadde oo iyagana kasoo shaqeeyay BBC-da ahna khabiirro dhanka saxaafadda ah.
Ugu dambeyn, Intii tababarka aan la soo xirin ayaa waxaa wariyeyaasha isla goobta lagu guddoonsiiyay shahaadooyin ka marag-kacaya aqoonta ay barteen, taas oo ay aad u soo dhaweeyeen.








































