Guddoomuye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in shaqooyinka ugu badan ee lagu sugayo Amniga Caasimadda ay ka qaban doonaan degmooyinka.
Guddoomiye Yabooh oo maanta ka hadlayay kulan lala yeeshay maamulka degmooyinka Shibbis, Boondheere iyi Shingaani ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya degmooyinkan haddii la eego aan loo baahanayn dhar-cadda ay mar walba dalbadaan mas’uuliyiin degmooyinka Muqdisho.
“Guddoomiye Madaale, sida aad ogtahay culeys badan ahaa magaalada ka jira, innagana inaan qaybteenna qaadanno, degmooyinkan ay qaybtooda qaataan ayaa la rabaa. Gaar ahaan marka la eego xaaladaha Amniga, Nadaafadda iyo xaaladaha guud ee magaalada” ayuu yiri Guddollomiye Yabooh.
Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in amarrada lasoo saaro ay noqdaan kuwo sidii loogu talogalay ay u shaqeeyaan, lagana digtoonaado sidii jiri jirtay in maalmo kooban inta la wado hawlaha la iska dhaafo.
“Amarrada kasoo baxa mas’uuliyiinta Gobolka, waxaa la doonayaa inay u shaqeeyaan sidii loo soo saaray, lamana aqbali doono in maalmo yar la wado, mas’uuliyiinta degmooyinka waaa inay ka digtoonaadaan caadooyinkii horay loo bartay” ayuu hadalkiisa ku daray Guddoomiye Yabooh.
Ugu dambeyn, Mudane Yabooh waxa uu sheegay in wax la aqbali karo aysan ahayn in iyadoo xoolo lasoo doonan waayay uu maamulku gowracay oo ciidanka iyo shacabka loo qaybiyay, la arko inay xoolo magaalada ku soo laabtaan.