Wasiir booqday dhaawacyadii Weerarkii Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar: SAWIRRO

0
326

Wasiir-u-dowlaha, ahna ku-simaha wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Maxamed Xuseen  ayaa booqatay muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay weeraradii bahalnimada ahaa ee kooxda Khawaarijta ka gaysatey xarunta maamulka Dowlada Hoose ee Gobolka Benaadir, kuwaas oo lagu daweynayo isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) ee magaalada Muqdisho.

Dr. Maryan ayaa maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaalka ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada dhibaatadu kasoo gaartay weerarkii Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Wasiir-u-dowlaha ayaa dhaawacyada mid-mid u dul istaagtay kana xogwareysatay dhaawacyada xaaladdooda caafimaad, iyadoo weydiisay inay heleen daryeel caafimaad oo ku filan.

Maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyay xaaladda caafimaad ee dhaawacyada, dhanka kale qaar ka mida bukaannada ayaa ka madceliyay baxnaannada fiican iyo adeegga caafimaad ee loo fidiyay.

Ugu dambey, Dr. Maryan Maxamed Xuseen ayaa sheegey in wasaaradda caafimaadka ay mar kasta u taagan tahay baxnaaninta iyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibanaha u ah kooxaha manaxayaasha ah ee Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here