Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u howl galiyay School-ka 15 MAY oo muddo Sannad ah ay hakad gashay waxbarashii Ardayda arrimo farsamo la xariira.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa yiri.
“Dowlada aan walaalaha nahay ee Masar ayaa maamulka gobolka Banaadir gacan ka siisay sidii ay waxbarasho bilaash ah u heli lahaayeen 1,300 Caruur Soomaaliyeed ah oo Iskuulka dhigata”.
Cali Yare oo sii hadlay ayaaa sheegay inĀ gobolka Banaadir uu dhawaan la soo wareegay Iskuuladii dowlada ee Muqdisho, si loo baahiyo adeeg waxbarasho oo bilaash ah.
Waxuu tilamamaay in todobaadka nagu soo wajahan ayaa la wareegi doonaa dhammaan xarumaha caafimaad gobolka Banaadir gaar ahaan MCH-yada ku kala yaala 18-ka Degmo ee gobolka”.














