Maamulka G/Banaadir oo si rasmi ah ula wareegay adeegyada Caafimaad ee Caasimadda

0
109

Maamulka G/Banaadir ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay adeegyada caafimaad ee Caasimadda, kadib maunaasabad balaaran oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo si aad ah loo soo agaasimey ayaa waxaa ka qeyb galay Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiirka Caafimaadka XFS Dr. Fowzia Abiikar Nuur iyo Madax ka socota dowladda Dhexe, Maamulka gobolka Banaadir uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mdane Cali Cabdi Wardheere (Cali-Yare), Dhaqatiir iyo qeybaha kale ee bulshada.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu si diiran u soo dhaweenayo daadejinta adeega caafimaad ee dalka, waxuuna tilmaamay in maamulkiisu ay ka go’an tahay sidii adeeg caafimaad oo ku filan loo gaarsiin lahaa dadka reer Muqdisho.

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr. Fowzia Abiikar Nuur ayaa dhankeeda maamulka gobolka Banaadir u rajeysay inuu waxbadan ka qaban doono baahiyaha caafimaad ee ka jiro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here