Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi, iyaga oo ka wadahadlay doorka dowladda Imaaraadka ee la tacaalidda arrimaha abaaraha iyo mashaariicda horumarinta.
Guddoomiyaha ayaa ugu horeyn dowladda iyo shacabka Imaaraadka kaga mahadceliyay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday in ay sii wadaan dadaalka iyo garab istaaggooda shacabka Soomaaliyeed, asagoo si gaar ah kaga codsaday dowladda Imaaraadka in lagala shaqeeyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ku nool goobaha laga xoreeyay Khawaarijta Al-shabaab.














