Wasiirka Amniga Gudaha iyo Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo si wadajir ah shir u Guddoomiyay/Sawiro.

0
1080

Wasiirka Amniga Gudaha C/llaahi Maxamed Nuur iyo Kuxigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Anita Kiki Gbeho ayaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Shirka Guddiga Fulinta ee Barnaamijka Wadajirka ee Booliska oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday deeq bixiyeyaasha, Saraakiil Boolis, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Amniga heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaalada amniga dalka iyo horumarinta ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, agabyada ay u baahan yihiin u heli lahaayeen sida tababarada ciidanka, awood-siinta, qalabeynta iyo dhismaha saldhigyada booliska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here