Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkiga oo yeeshay wadahadal khadka Taleefoonka ah

0
120

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa yeeshay wadahadal dhanka taleefoonka ah.

Labada madaxweyne ayaa kawada hadlay xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan, sidoo kale waxa ay kawada hadleen xaaladaha gobolka iyo caalamka intiisa kale.

Erdoğan ayaa hoosta ka xarriiqay in dalkiisu uu xaqiijinayo inuu dowladda Soomaaliya ka taageerayo aragtideeda horumarineed iyadoo loo marayo hab dimuquraadi ah iyo inay ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada Al-shabaab, si horumar looga gaaro dagaalkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa ballanqaaday in Turkiga uu sii wadi doono inuu Soomaaliya kala shaqeeyo dhinaca soo saarista shidaalka iyo kalluumeysiga.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey dowladda iyo shacabka Turkiga miro-dhalka dadaallada nabadda iyo wadahadalka ee ku aaddan PKK, isagoo bogaadiyay doorka firfircoon ee dowladda Turkiga ay ka qaadato taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa madaxweynaha Soomaaliya iyo shacabkiisa ugu hambalyeeyay maalmaha Ciidul Adxa ee soo socota, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here