Ciidanka booliska gobalka Banaadir oo gacanta ku dhigay goob lagu iibinaayay Maandooriye

0
553

Ciidanka Boliiska Soomalaiya ayaa soo bandhigay maandooriye isgu jira Khamri, Calaq iyo Xashiid kuwaa soo si qarsoodi ah loogu iibinayay guri ku yaalla degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyaan taliyaasha ciidanka amaanka gobolka Banaadir ayaa sheegay in tilaabo cad laga qaadayo cid kasta oo ku lug yeelata ka ganacsiga Maandooriyaha.

Gudoomiye Cumar ayaa xusay inay cadaaladda hor geynayaa dadka ka gacsanayay waxlaha ay ciidanka booliska ku soo qabteen howlgka ka dhanka ah Maandooriyaha iyo la dagaalanka Kooxaha Burcadda.

Taliye Ku-xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir iyo Taliyaha Ciidanka ilaalinta nabadgalyada waddooyinka, ayaa goob joog ka ahaa goobta lagu soo bandhigayay walxahaan maanka dooriya.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here