Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic-soo-celinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Suudi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Bay’adda iyo Isbedelka Cimiliada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Saciid Maxamed iyo xubno ka tirsan Dhalinyarada ka shaqeeya Horumarinta Cagaareynta Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa loogu hadlay dhireynta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyadoo la raacayo Awaamiirta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ee ah Muqdisho Cagaaran iyo in laga qeyb-qaato ka hortaga isbedelka cimilada ee saameynta ku yeeshay dunida.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horey u bilaabay in Degmooyinka iyo Deegaanada Magaalada Muqdisho laga fuliyo mashruuca dhireynta Caasimada, iyadoona shirkaan la isla gartay in Waaxda Bilic-soo-celinta ay sii dar-dar geliso qorshaha Muqdisho Cagaaran.














