Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa laan cusub ka furanaya xarunta dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusa-mareeb, waana laantii ugu horreysay ee Bankiga uu ka furanayo meel ka baxsan Muqdisho.
Laanta Bankiga Dhexe uu ka furanayo Galmudug ayaa waxay noqonaysaa xarun u adeegi doonta shacabka Galmudug, iyadoo uu Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi u tagay Dhuuso-marewb furitaanka xarunatan cusub ee Bangiga Dhexe.
Sidoo kale, Wasiirka maaliyadda Galmudug, Farxaan Cali Gaban oo magaaladaas ku soo dhaweeyay gudoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya, ayaa sheegay in ay goobjoog ka noqonayaan xaruntii ugu horreysa ee dowlad-doboleedyada dalka ka jira uu ku yeesho Bangiga dhexe ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Somalia, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb u yimid diyaar-garowga ugu dambeeya ee furitaanka laanta Bankiga dhexe ee GalmudugĀ oo noqonaysa xaruntii ugu horreysay ee Bankiga Dhexe uu ka furto Dowlad-goboleedyada dalka .
Ugu dambeyn, Dhawaan ayay ahayd markii uu magaalada Dhuusa-mareeb tagay guddoomiye ku-xigeenka Bankiga dhexe ee Somalia, si loo dardar-geliyo laamaha cusub ee laga furayo maamul goboleedyada dalka.















