HAY’ADDA NISA: Xubno Al-shabaab ah oo ay ku jiraan Ajaanib ayaa lagu dilay Hawlgal Abaabulan

0
425

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab, kuwaasoo ay ku jireen xubno ajnabi ah.

Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu ka dhacay deegaanka Nuungare oo 8-km dhinaca waqooyi kaga beegan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn, NISA ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in hawlgalkan la fuliyay Talaadadii shalay, waxaana bayaanka lagu sheegay in 10 ka mid ah xubnaha la dilay ay ahaayeen ajnabi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here