Wasiirka Amniga Gudaha XFS, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta miina-baarista ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
Xarig-jarka dhismayaasha cusub ee lagu soo kordhiyay qaybtan ayaa waxaa goob-joog ahaa; Taliyaha Ciidbka Booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmed Firin iyo taliye ku-xigeenka booliiska, Jen, Zakia Xuseen Axmed iyo marti ka socotay hay’adaha Caalamiga ah.
Jen. Sulub Axmed Firin oo munaasabadda ka hadaly ayaa qiray in saraakiisha iyo ciidanka booliiska ee ka hawlgala xaruntan ay yihiin badbaadiyeyaasha bulshada.
Sidoo kale. Waxa uu xusay in xilli kasta ay diyaar u yihiiin ka hortagga khataraha Khawaarijta ay u soo maleegayaan dadka rayid ah ee aan waxba galabsan.
Wasiirka Amniga Gudaha C/llaahi Sheekh ismaaciil ayaa u mahad-celiyay taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed, si gaar ahna ugu mahad-celiyay saraakiisha iyo askarta xaruntan ee mar walba khatar u geliya nafsaddooda sidii ay u badbaadin lahaayeen bulshadooda.
Xuruntan lagu kordhiyey dhismayaasha cusub ayaa halbowle u ah sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda.
Ugu dambeyn, Wasiirka iyo Taliyaha ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay dowladda Japan oo gacan ka geestay hirgelinta xaruntan oo muhiimad gaar ah u leh ciiidanka booliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.