Maamulka G/Banaadir oo sheegay in ay la wareegi doonaan Garaashkii wax laga soo tuuro ama qarax lagu farsameeyo

0
347

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay lala wareegi doonno guryaha iyo garaaashyada laga soo tuuro ama lagu dhex farsameeyo waxyaabaha qarxa, taas oo la sheegay inay qayb ka tahay sugidda amniga Caasimadda, kaddib shir dhawaan arrintan ku saabsan oo lagu qabtay Xamar.

Bayaan kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir oo uu warbaahinta u akhriyay afhayeenka maamulka gobolka ayaa lagu sheegay in la diiwaan-gelin doono guryaha aan la dagganayn iyo garaashyada ku yaalla dulleedka Muqdisho.

Garaashyada la diiwaan-gelinayo ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa ku yaalla fooraha magaalada sida; degmooyinka Yaaqshiid, Kaxda, Heliwaa, Gubadley, Garasbaalleey, Daarusalaam iyo Dharkeynley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here