Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo xoghayaha guud ee gobolka Banaadir, mudane Feysal Carraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaaladda amni ee caasimadda Muqdisho ku tagay qaybo ka mid ah degmada Yaaqshiid.
Kormeerkan oo uu qayb ka ahaa guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, mudane Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo saraakiisha amniga degmada, ayaa waxa uu guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir mid-mid u xog-wareystay qaybaha kala geddisan ee bulshada iyo ganacsatada, isaga oo shaah la cabay odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.
Mudane Yabooh ayaa xusay in kormeerkan uu noqon doono mid joogto ah oo loogu kuur-galayo amniga caasimadda, isaga oo bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aaddan sugidda amniga iyagoo la shaqeynaya maamulka degmada iyo laamaha ammaanka si loogu hortago dhagaraha kooxaha nabad-diidka.







































