Guddoomiye Madaale oo Kormeeray Xarumaha Gaadiidka iyo Dab-damiska: MUUQAAL

0
692

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Maxamed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale ayaa maanta kormeeray xarunta dabdamiska ee Dowladda Hoose Xamar, si ay ugu kuur-galaan hawlaha kala duwan ee xaruntaas ka socda iyo adeegyada ay bulshada u hayan.
Mas’uuliyiinta ayaa waxay sidoo kale ku tageen kormeer xarunta gadiidka Dowladda Hoose ee Xamar, iyagoo u kuurgalay sida uu gaadiidku u shaqeeyo iyo xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Guddoomiye ku xigeenka Hawlaha Guud ee Gobolka Banaadir Xasam Maxamed Jumcaale oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in kormeerkooda uu salka ku hayo u diyaar-garowga xilliga roobka oo lagu jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here