Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray kal-fadhiga labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa hadal kooban ka jeediyay xarunta golaha ayaa dulmar ku sameeyay howlaha u hirgalay Golaha, wuxuuna mid mid u dul istaagay qodobo muhiim ah oo ku aaddan ansixinta shuruucda Xukuumadda ay soo gudbisay iyo fadhiyo kale oo muhiim u ahaa Golaha iyo guud ahaan Dowladnimada dalka.
Sidoo kale, ajandaha kulanka ee maanta waxaa qayb ka ahaa dhaarinta xildhibaan Mukhtaar Maxamed Mursal Boorow oo dhawaan laga soo doortay magaalada Baydhabo.













