Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmad Firin ayaa maanta kormeerey taliska qaybta nabadgelyada waddooyinka (Taraafikada).
Taliyaha booliiska ayaa warbixin ka dhageystay taliyaha qaybta nabadgelyadda waddooyinka Taraafiko, Sarreeye Guuto Bishaar Abshir Geeddi.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidanka taraafikada inay labalaabaan ahaqadooda, maadaama ay foodda nagu soo hayso bisha barakaysan ee Ramadaan, dadka saa’imiinta ah laga ilaaliyo ciriiriga waddooyunka xilliyada afurka.