Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay magacyada iyo sawirrada qaar ka mid ah horjoogeyaashii Khawaarijta ee lagu laayay hawlgalladii ugu dambeeyay oo ay fuliyeen ciidanka Qaranka, shacabka deegaanka iyo saaxiibbada caalamka.
Sirdoonka Soomaaliya waxa uu si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqyada iyo xogta horjoogeyaasha hadda la dilay iyo kuwa kale ee wali baxsadka ah kuwaas oo la rumwysan yahay inay deegaanno kala duwan ku dhuumaalaysanayaan.
Xogta horjoogeyaasha la dilay:
1. Horjooge Sheekh Cabdullaahi waxa uu horjooge u ahaa maleeshiyaad Khawaarij ah oo loogu talagalay in ay dadka ku dhibaateeyaan deegaannada Number 50 iyo Buufow ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
2. Horjooge Cali Timajilic waxa uu kooxda u qaabilsanaa caafimaadka qaybta loogu yeero Jeylaani oo ka hawlgasha gobalka Shabeellaha Hoose, Ninkan waxa uu ku biiray Khawaarijta sanadkii 2012-kii, wixii ka dambeeyay 2017-kii illaa hadda waxa uu ka hawlgalayay Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
3. Horjooge Bashiir Dheere waxa uu ahaa horjoogaha Khawaarijta ka hawlgasha Buula-mareer waxa uuna si gaar ah u hogaaminayay malleeshiyaadka ay ugu yeeraan qaybta Macallin Sallaxey, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
4. Horjooge Cabdiqafaar oo loo yaqaano macallin Nadaara waxaa uu Khawaarijta ku biiray sabadkii 2009, waxa uu qayb ka soo ahaa qaybta dilalka fuliya, kaddibna waxaa lagu daray qaybta ay ugu yeeraan jugta culus ee weerrarada qaada, hadda waxa uu ahaa horjooge xagga marin habaabinta u qaabilsanaa khawaarijta ku sugan gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
5. Horjooge Shaaciye Maxamed Cali oo ay ugu yeeri jireen Kufridiid, waxa uu ahaa horjooge dhinaca waxyaabaha qarxa ah oo ka hawlgala gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
6. Sakariye Maxamed Bashiir oo isna loo yaqaannay Cadnaan ama Sandheere, 2011-kii ayuu Khawaarijta uga biiray Muqdisho, waxa uu inta badan kasoo shaqeyay qaybta ay ugu yeeraan jugta culus, jagooyinka uu soo qabtay horjoogahan waxaa ka mid ah; waxa ay ugu yeeraan khanaasinta, sidoo kale waxa uu soo noqday horjoogaha diiwaanka jugta culus ee gobalka Shabeellaha Hoose, haddana waxa uu ahaa ku xigeenka horjoogaha qaraxyada Shabeellaha Hoose, waxaa lagu dilay hawlgalkii Awdheegle.
7. Horjooge Axmed Cali Daahir Shuuke, waa nin muddo dheer ku soo jiray Khawaarijta hawlo kala duwanna ka soo qabtay, balse hadda waxa uu qayb ka ahaa horjoogeyaal loo xilsaaray in ay kiciyaan bulshada si ay Khawaarijtu u helaan dhallinyaro kale oo ay dabka ku shubaan, waxaana lagu dilay horjoogahan hawlgal ka dhacay meel u dhow deegaanka Bulacle ee gobalka Galgaduud.