SAWIRRO: Somalia oo ka Qayb-gashay Shir looga hadlay Badqabka tayada adeegga Caafimaadka

0
397

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa Magaalada Doha ee Dalka Qatar uga qaybgalay shirka madasha Bariga Dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad, (Middle East Forum on Quality and Safety in Healthcare).

Madasha Bariga Dhexe ee tayada iyo badbaadada daryeelka caafimaadka oo lagu qabtay magaalo madaxda dalka Qatar ee Doha ayaa la isugu keenay in ka badan 3000 xirfadlayaal daryeel caafimaad oo ka socda gobolka iyo adduunka oo dhan si loo xaqiijiyo xal u hellida iyo badqabka caafimaad ee bulshada caalamka oo dhan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madax badan oo kasoo qaybgashey shirka isagoo kala hadlay iskaashi ku aaddan horumarinta caafimaadka maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameyna caafimaadka iyadoo uu sidoo kalena dalalka qaybahooda caafimaad ay hormarsan yihiin kala hadlay taageerada qaybta caafimaadka Soomaaliya iyo mashaariicda lagu horumarinayo.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta caafimaadka dalkeena maadama bulsho-waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah uu u leeyahay adeeg caafimaad oo tayo leh, iyadoo la raacayo hiigsiga hirgilinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here