Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa maanta u ambabaxay dalka Boqortooyada Sucuudiga, isagoo martiqaad rasmi ah ka helay amiir Riyaad, Feysal Bin Cabdulcasiis.
Duqa Muqdisho waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, waxaana socdaalkooda uu salka ku hayaa xoojinta wada-shaqeynta magaalooyinka Muqdisho iyo Riyaad.
Agaasimaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay safar shaqo oo uu Guddoomiye Madaale ku aaday magaalada Riyaad ee Saudi Arabia.
“Safarka Guddoomiye Madaale waxa uu salka ku hayaa xoojinta xiriirka Muqdisho iyo Riyaad oo horay xiriir soo jireen ah u lahaa iyo billowga xiriirro kale oo ay yeeshaan” ayuu yiri Agaasime Maxamed Xasan.













