Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo ka Tacsiyeeyay Geerida Col. Cismaan Max’ed Jeelle

0
551

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa tacsi u diray, Ummada Soomaliyeed qoyskii, qaraabadii iyo saaxibbadii uu ka baxay Allaha unaxariistee Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Korneel Cismaan Maxamed Jeelle oo ku geeriyooday Dalka Australia.

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Caraale Afrax oo Taariikhda Duqii hore ee Muqdisho Col. Cismaan Maxamed Jeelle ka sheekeeyay ayaa yiri: “Marxuum Jeelle waxa uu soo noqday Duqii Muqdisho sannadii 1970 – 1973, Waxa uu sidoo kale soo noqday Wasiirkii Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa intii u dhaxeysay 1973 – 1976, isagoo in muddo ah ka tirsanaa Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.”

Ugu dambeyn, Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka tacsiyeeyay geerida marxuumka. Waxa ayna Eebbe ugu baryeen in uu naxariistii janno siiyo, qoyskii iyo qaraabaddii uu ka baxayna samir iyo iimaan Rabbi ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here