Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo la hadlay warbaahinta isagoo ku sugan taalada Daljirka Dahsoon ayaa sheegay in shacabka Muqdisho ay isugu soo baxeen si ay u muujiyaan inay raalli ka yihiin in dastuurku uu ka baxo qabyada lana ansixiyo dastuurka.
“Shacabka ku nool Muqdisho waxay isugu yimaadeen inay muujiyaan fikirkooda ku aaddan dhameystirka dastuurka,” ayuu yiri Guddoomiye Yabooh, waxa uuna intaas ku daray in xildhibaannada labada aqal baarlamaanku federalka ay dhawaanahan ka doodayeen qabyo-tirka dastuurka, lana joogo maanta ansixintiisa, isaga oo xusay in bannaanvaxan ballaaran uu soo abaabulay maamulka gobolka Banaadir.
“Bulshada Caasimadda waxa ay isugu yimaadeen in ay xubnaha baarlamaanka codsi u jeediyaan, kana dalbadaan in la ansixiyo afarta cutub ee ay maalmihii u dambeeyay ka doodayeen iyo kuwa kale ee dhiman,” ayuu yiri mudane Yabooh.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in sababaha ay shacabka Muqdisho isugu soo baxeen ay tahay in dastuurka muddo dheer la lahaa waa la dhemeystirayaa, uu maanta ka baxo qabyadii uu mudada fog kusoo jiray.
“Waxyaabaha ay shacabka Caasimadda bannaanbaxa u dhigayaan waxaa ka mid ah in dadka diiddan in dastuurka uu ka baxo KMG-nimada ha ahaadaan siyaasiyiin ama cid kale ay yiraahdaan idinka yeeli mayno in aad maalin walba diiddaan in la dhameystiro dastuurka,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiye Yabooh.
Ugu dambeyn, Waxa uu hadalkiisa kusoo xiray: “Maadaama Caasimadda ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed oo dhan, aanan innaguna matalno, waxa aan labada aqal ee baarlamaanka weydiisanaynaa in ay ansixiyaan dastuurka.”













