Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af-qabto warbaahinta iyo shacabka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee ka diiddan is-afgaradka sharci daradda ah ee xad-gudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya.
“Waa nasiibdarro aad u weyn in la beegsado weriye iyo warbaahin si madax-bannaan oo dheelli-tiran u tabineysa wararka iyo xaqiiqda deegaannada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland, waxa ayna tani muujinaysaa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga ee maamulkaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka DFS.
Sidoo kale, waxaa lagu yiri: “Dareenka waddaniyadda iyo dal jaceylku ku jiro ee dadka gobollada Waqooyi, xoog laguma maquunin karo, lagumana af-qaban karo, waxa ayna xoojinaysaa in kacdoonka shacbigu laba kacleeyo.”
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay hay’adaha amniga ee maamulka Somaliland ugu baaqayso in ay ka waantoobaan u hiillinta iyo garab-siinta is-afgaradka sharci-darrada ah iyo damaca Itoobiya ay ku doonayso in ay ku qaadato dhul iyo bad Soomaaliyeed, taas oo ku ah khatar mustaqbalka iyo karaamada dadka gobollada Waqooyi ku nool iyo guud ahaan jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Dowladda Somalia waxa ay si buuxda u bogaadinaysaa uguna mahad-celinaysaa shacabka Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan dadka ku nool gobollada waqooyi oo sida lagu yaqaanay meel adag iska taagay qadiyaddan, iskana diiday damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso inay ku qaadato qayb ka mid ah badda iyo dhulka Soomaaliya.













