Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo dhammaan guddoonka sare ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada iyo Qaranka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaha u naxriistee Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Allaha u naxriisto Prof. Jawaari waxa uu ahaa shaqsi door-weyn kasoo qaatay dowlad-dhiska iyo isku keenidda shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Qaranka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uu maanta ka baxay tiir aad muhiim ugu ahaa dowlad dhiska Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay marxuum Jawaari in uu ahaa siyaasi waayo arag ah oo muddo ka badan 60 sano ka soo shaqeeyay dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay ku gaamurtay maamul dowladnimo oo dhameystiran.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka uga baryay Allaah (SWT) in uu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin.
Ugu dambeyn, Marxuum Jawaari jannatul firdowsa Allaha ka waraabiyo, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo Qaranka Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. AAMIIN.













