SAWIRRO: Ciidamada Booliiska oo Gacanta ku dhigay Maandooriye iyo Dadkii…:MUUQAALLO

0
171

Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa saldhiga degmada Kaaraan maanta kusoo bandhigay jawaano ay ka buuxaan xashiish, jirgaanno calaq ah iyo waxyaabo kale oo ay ku jiraan daawooyin maanka-dooriye ah.

Ciidamada Booliiska ayaa maalmihii u dambeeyay waday hawlgalo ka dhan ah dadka beerta, kuwa soo daabula, dadka iibiya iyo kuwa isticamala waxyaabaha maanka-dooriya.

Col. Mire Axmed Mataan oo ah taliyaha hoggaanka dhaqanka iyo diinta ciidanka booliska Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay joogto u baacsan doonaan dadka ka ganacsada maan-dooriyaha iyo mukhaadaraadka.

Sidoo kale, Afhayeenka booliska Somalia G/lle Sadiiq Doondishe ayaa dhankiisa sheegay in hawlgallo saddex weji leh ay ka socdaan Muqdisho, kuwaas oo kala ah kuwo lagula dirirayo mukhaadaraadka, burcadda hubeysan iyo kuwo lagula dagaallamayo kooxda Khawaarijta ah.

Hawlgalladii u dambeeyay waxaa lagu soo qabtay illaa toban eedeysane oo lagu soo qabtay baaritaanno laga sameeyay xaafadaha bartamaha iyo galbeedka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Hawlgalladan ayaa daba socda baaqii Maamulka Gobolka Banaadir ee ahaa in dadka ka ganacsada maan-dooriyaha loola dagaalami doono sida loola dagaallamayo Khawaarijta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here