Wasiirka Amniga XFS oo tababar u soo xiray cutub ka tirsan ciidanka Haram-Cad kuwo cusubna u furay Tababar: SAWIRRO

0
493

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa tababar aqoon kororsi ah u soo xirey qaar ka mid ah ciidanka gaarka ah ee Haram-Cad.

Wasiirka oo uu wehliyo taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Jen. Sulub Axmad Firin ayaa tababar u xiray hal horin oo ka mid ah ciidan gaar ah ee Haram-Cad kuwaas oo muddo aqoon korors ugu socday akadeemiyada booliiska Jen. Kaahiye.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tababar u furay laba horimood oo ka kala tirsan ciidanka Haram-Cad iyo banda Muusikada booliiska Soomalaiyeed, kuwaad oo mudo tababar ku qaadan doona akadeemiyada Jen. Kaahiye.

Ugu dambeyn, Ciidamadan ayaa qaatay tababar qayb ka ah sugidda amniga, iyada oo loo diyaariyay ka qayb-qaadashada xoojinta amniga caasimadda iyo gobollada dalka, si looga hortago qalalaase walba oo lagu carqaldeynayo amniga iyo xasilloonida dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here