SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Shiikh oo saxiixay sharciyo uu ka mid yahay kan Aqoonsiga: Muuqaal

0
366

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad xalay lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen labada gole ee baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Sharciyada uu Madaxweynuhu saxiixay waxa ay kala ahaayeen:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada
2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
3 .Sharciga  Socdaalka,
4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maal-gashadayaasha,
7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha.
8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay golaha xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Somalia, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo Xildhibaannada meel-marinta iyo saxiixa hindise sharciyeedyada ay soo gudbisay Xukuumadda DanQaran kuwaas oo uu xusay inay ahmiyad gaar ah u leeyihiin sugidda amniga, deyn cafinta iyo horumarinta dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here