Guddoomiye Amiir oo Qaabilay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Dalka: SAWIRRO

0
45

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dalka oo uu hogaaminayay guddoomiyaha guddigga, mudane C/kariin Axmed Xasan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa guddiga u soo bandhigay himilooyinka iyo ahdaafta siyaasadeed oo uu ka leeyahay doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashooyin toos ah oo ka dhaca Caasimadda dalka ee Muqdisho iyo doorka uu maamulka gobolka Banaadir ka qaadanayo doorashooyinka Dowladaha Hoose.

Sidoo kale , Kulanka ayaa lagu soo bandhigay diyaar-garowga maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca wacyigelinta bulshada, ka gacan siinta guddiga ee goobaha diiwaan-gelinta, goobaha cod-bixinta iyo in guddiga laga gacan siiyo dhamaan hanaanka diyaarinta kheyraadka ee doorashada ku qabsoomi karto.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddiga u xaqiijiyay ka go’naashiyahiisa iyo ka mira-dhalinta ajandayaasha iyo qorshaha doorashooyinka dalka, si gobolka Banaadir ay ugu dhacdo doorasho qof iyo cod, taasoo qeyb ka ah qorshayaashiisa hortabinta u leh, isaga oo guddiga u caddeeyay inuu ka taageeri doono dhinac weliba.

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha, mudane C/kariin Axmed Xasan ayaa boogaadiyay hanaanka diyaar-garowga maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan in doorasho qof iyo cod ee ka dhacdo Caasimada dalka, isagoo sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horreeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah Maamulada dalka.

Ugu dambeyn, Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenada gobolka Banaadir u qaabilsan amniga, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), arrimaha bulshada Cabdicasiis Cismaan iyo agaasimayaal ka tirsan Dowladda Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here