Waaxda Nadaafadda iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Waaxda Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa olole nadaafadeed caawa ka sameeyay Waddada dheer ee Jeneraal Daa’uud, taas oo dhex-marta degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere ee Magaalada Muqdisho.
Agaasimaha Guud ee Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Suudi ayaa sheegay in Waaxda Nadaafada Dowladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay sidii loo soo celin lahaa bilicda Caasimadda dalka, balse waxa uu ugu baaqay bulshada iyo maamullada degmooyinka in si wadajir ah loogu shaqeeyo hiigsiga ah in Muqdisho ay la tartanto Caasimadaha kale ee dunida.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Boondheere Maxamed-kaafi Caddow ayaa ugu baaqay bulshada labada degmo in ay ka shaqeeyaan ilaalinta nadaafadda, iyaga oo sheegay in qofkii lagu qabto isigoo ka shaqeynaya nadaafad-darro lala tiigsan doonno sharciga.
















