Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqijiisay in hawlgalada dib u xoreynta ee dalka ka socda lagu dilay in ka badan 3000 oo ka tirsanaa khawaariijta, sidoo kalena hawlgalladan looga dhaawacay khawaariijta 3700 oo xubnood.
Sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca xukuumadda waxa Khawaariijta laga xoreeyay 70 magaalo, hawlgalladan ayaa waxa fuliyay ciidanka xoogga oo kaashanaya kuwa dib u xoraynta deegaanadda.
Dagaalka ka dhanka ah kooxa khawaariijta oo uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galaya wejigii labaad oo lagu soo af-jarayo jiritaanka kooxaha Khawaariijta arxanka daran oo dhibaato ba’an ku hayey shacabka Soomaaliyeed.
Dhanka kale, Kooxaha khawaariijta ayaa jab xoogga kala kulmay furimaha dagaalka kuwaas oo laga bixiyay godadkii iyo meelihii ay ku dhuuman jireen kana soo abaabuli jireen dhagaraha ay ku dhibaataynayaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa wadda qorshe hawlgallo amni ah oo laga fulinayo Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu sugayo amniga caasimadda loogana sifaynayo guud ahaan kooxa garan-waaga ah ee ku dhuumaleysanaya qaybo ka mid ah degmooyinka Caasimadda.













