Agaasinka Caafimaadka G/Banaadir oo Wafdi Qaramada Midoobay ka socday kala halday xoojinta adeegyada Caafimaadka Gobolka: SAWIRRO

0
232

Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Cabdiraxman Axmed Maxamuud ayaa Agaasinka Caafimaadka kusoo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adaha WHO iyo UNICEF.

Wafdigan oo ay hoggaaminaayeen Dr. Gedi (WHO) iyo Dr. Ubeida (UNICEF) ayaa booqashadooda ku saleysnayd xoojinta wada-shaqeynta, kor u qaadista tallaalka iyo guud ahaan adeegyada caafimaadka gobolka.

Sidoo kale, wafdiga ayaa booqday xarunta caafimaadka ee degmada Waaberi, si ay u indho-indheeyaan ololaha tallaalka cirib-tirka cudurka dabeysha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here