Duqa Muqdisho oo kula kulmay Belgrade Ardayda Soomaaliyeed ee wax-ka-barta dalka Serbia: SAWIRRO

0
296

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Magaalada Belgrade kulan kula qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Serbia.

Duqa Muqdisho iyo ardayda ayaa iska xog-wareystay guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan Caasimadda. Waxa uuna uga warbixiyay horumarrada kala duwan ee ka socda Muqdisho, isaga oo halkaas kaga dhageystay ardayda talooyin iyo fikrado lagu dardar-gelinaayo horumarka Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay ardayda in ay muujiyaan dadaal iyo karti ay kaga faa’iideystaan fursadaha waxbarasho oo ay heleen, isaga oo ardayda xusuusiyay in uu sugayo dalkooda.

Ugu dambeyn, Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya ee dalka Serbia, Maxamed Cabdullaahi Axmed, Agaasimaha Xariirka Dibadda ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Xasan iyo xubno kale oo ka socday Safaarada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here