Guddoomiye Yabooh oo ka Qayb-galay Kulan lagu Taageerayay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta: MUUQAALLO

0
417

Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu qabtay kulan lagu taageerayay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, kaas oo hormuud uu u yahay madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu boorriyay shacabka iyo mas’uuliyiinta dowladda inay kaalintooda ka qaataan dagaalkaas, si waddanka looga xoreeyo kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintii kulanka ka hadashay ayaa si cad u sheegay in cid walba ay mas’uulyadi ka saaran tahay sidii ummadda looga dul-qaadi lahaa cadowga muddada dheer dul-saarnaa, si dalka loo horumariyo dadkana uga baxaan ciriiriga ay Khawaarijtu gelisay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu qaban doono maamulka Gobolka Banaadir isku soo baxyo waaweyn oo lagu taageerayo hawlgallada xoreynta ah ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay, Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka Banaadir, Maxamed Cuamaan Makaraan isaga oo yiri: “Dhallinyaradu waxa ay garab-taagan yihiin ciidamada XDS ee dagaalka kula jira Khawaarijta, waxaana uga qayb-qaadanaynaa wax walba oo aan awoodno.”

Ugu dambeyn, Waxaa kulan-weynaha ka hadlay mas’uuliyiin, culummo, saraakiil ciidan iyo aqoonyahanno, kuwaas oo hoosta ka xariiqeen in ay lama huraan tahay in madaxweynaha dalka lagu garab-siiyo dagaalka lagu sifeynayo Khawaarijta. Waxaana intii xafladdu ay socotay lagu soo banshigay heeso, gabayo iyo hadallo kale oo lagu guubaabinayay ciidanka XDS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here