Taliyaha Booliiska DFS oo la kulmay saraakiil ka socday Safaaradda Mareykanka: SAWIRRO

0
450

Taliyaha Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay khuburo  xaga la-dagaalanka argagixisada ah oo ka socday safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya.

Taliye Firin iyo khuburada ayaa ka wadahadlay sare u qaadidda, tayeynta, xirfadeyn iyo joogteynta caawimaadda tababbarradda iyo qalabeynta ciidanka.

Jim Loucks oo ahaa madaxa la-talinta la-dagaalanka argagixisada ee safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ciidanka booliiska ee la-dagaalanka argagixisada, ayna sare u qaadayaan taaageerada hadda ay siiyaan ciidanka booliiska qaybtiisa la-dagaalanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here