Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa degmada Cadale kulan afur ah kula qaatay hoggaanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, ciidamada shacabiga ah ee macawisleyda, mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Hirshabeelle iyo culumada deegaanka.
Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay mas’uuliyiinta, saraakiisha iyo waxgaradka Cadale talooyinkooda ku aaddan xoreynta dalka, isaga oo ku bogaadiyay bulshada Hirshabeelle sida ay dhiiggooda ugu horuyaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya dadkooda.






















