Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay nin dil u geystay Imaam Masjid

0
624

Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin shalay dil arxan-darro ahaa ka geystay masjid ku yaal deegaanka Garasbaaley ee duleedka maagaalada Muqdisho.

Eedaysanahan gacanta lagu soo dhigay ayaa dilka u adeegsaday baangad uu ku dilay Imaam masaajidka, waxaana la sheegay in uu ahaa culummada tabliiqa, masaajidkana uu muddo joogay.

Sidoo kale, eedeysanaha oo Mukhtaar Cali Xuseen magaciisa lagu sheegay ayaa loo heystaa dilka marxuum Macallin Ibraahim Cabdi oo Imaam ka ahaa masjidka uu dilka ka dhacay.

Ugu dambeyn, Ciidanka Boliiska saldhigga degmada Warta Nabadda ayaa saaka gacanta ku dhigay ninkan ku eedeeysan dilka imaamka  iyo wiil yar oo isaguna ahaa mu’addinkii masjidka , kaasoo uu dhaawac soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here