Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa laga soo saaray qodobbo lagu xakameynayo Mooto Bajaabta, iyadoo qodob-badaan fulintooda loo xil-saaray Gobolka Banaadir, Wasaaradda Gaadiidka iyo Hay’adaha Amniga.
Qodobbada shirka laga soo saaray oo ka kooban shan qodob ayaa waxay kala yihiin:
- Laga billaabo 01-da bisha Abriil ee 2023, waxaa la mamnuucay soo dajinta mooto Bajaajta, mootada labada lugood leh iyo mooto gaari, sidoo kalena waxaa laga hortagayaa meel walba oo laga soo dajin karo iyo dekedaha dalka illaa amar dambe.
- Laga billaabo 01-da bisha Abriil 2023, waa in la tirakoobo dhammaan gaadiidka Bajaajta lana midabeeyo, loona sameeyo summad gaar ah oo kala ah A iyo B, shaqadaasna waxaa fulinaya maamulka Gobolka Banaadir.
- Lama siin karo ruqsadda wadista Mooto Bajaajta qof da’diisu ay ka yar tahay 18-sano.
- Laga billaaabi 01-da bisha May 2023, waxaa la joojinayaa bixinta taargada Mootada illaa amar dambe.
- Wasaaradda Gaadiidka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adaha Amniga ay u xilsaarsn yihiin fulinta amarrada kor lagu soo sheegay.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa waxay meel mariyeed dhawr qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah laba xeer, laba heshiis iyo hal hindise sharci.













