Dowladda Hoose oo dib u habeyn ku sameeneyso suuqyada Muqdisho

0
170

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay iney ka go’aan tahay dib u habeynta suuqyada Magaalada Muqdisho ka dib markii ay maanta dhagax dhigeen Kawaanka Hilibka iyo Khudaarta Suuqa Ansalooti oo si casri ah loo dhisayo.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Goboka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud (Caanabooro) oo ka hadlay Munaasabadda Dhagax Dhigga ayaa u sheegay dadka deegaanka in ay Ilaaliyaan nadaafadda Suuqa.

Agaasimaha Waaxda Maashaariicda iyo Xiriirka Guud Cabdiraxmaan Axmed Xeyle oo sharaxay Taariikhda Suuqa iyo Heerarkii at arintani soo martay ayaa ka codsaday dadweynaha iney ka ogaadeen wax walba oo Suuqa dhibaato u keeni kara.

Munaasabadda waxaa kale joogey Guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ee Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud Gobolka Banaadir, Madax ka socotey Shirkadda Geel, Qaar ka mid Agaasimayayaasha Gobalka Banaadir iyo Maamulka Degmada Xame Jajab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here