Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay Geerida Marxuum Axmed Naaji Sacad

0
432

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay geerida marxuum Axmed Naaji Sacad, iyaga oo tacsi u diray qoyska, qaraabada, bahda fanka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay abwaankii iyo fannaankii Soomaaliyeed ee Marxuum Axmed Naaji Sacad.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu Alle u weydiiyey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in fanaanku kaalin weyn ka soo qaatay horumarinta fanka Soomaaliyeed, muddooyinkii dambena uu ka mid ahaa fanaaniintii udub dhexaadka u ahaa nabadeynta bulshada, gubaabintii shirarkii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed burburkii kadib.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here