Ciyaartooyda xulka Galmudug ayaa markii ugu horeysay u gudbay Final tartanka maamul goboleedyda iyo gobolka Banaadir, kadib markii ay galabta 2-1 kaga adkaadeex deriskooda xulka Puntland.
Galmudug oo kaalinta koowaad kaga soo baxdey Group-ka A ayaa goolasha kulankan ka tirsanaa afar dhamaadka waxay kaga mahadcelinayaan kabtankooda Maxamed Maxamuud Axmed.
Ciyaartoda Xulka Galmudug ayaa qeybtii hore gool la hormaray , waxaan ka barbareeyay xidiga reer Puntland Cabdiqani Axmed, inkastoo qeybtii 2 aad ee ciyaarta gool kale laga dhaliyay xulka Puntland.
Wiilasha Galmudug ayaa dhaliyey goolasha ugu badan ee tartanka tan iyo markii la bilaabay bishan December .
Xulka Galmudug ayaa la cayaari doona finalka midkii soo baxa Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.
Wiilsha Galmudug ayaa hantay taageeraashii ugu badan ee tartaan si ay u dhiirageliyaan ciyaartooyada Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa habmalyo iyo bogaadin u soo diray ciyaartooyda, macalimiinta iyo maamulka isagoo ku sugan magaalada Garoowe.












