Hannaanka dhameystirka xubinnimada Soomaaliya ee Ururka Bariga Afrika ee EAC: MUUQAAL

0
351

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys ayaa ka warbixiyay hannaanka ku biirista Suuqa Bariga Afrika ee AEC, isagoi sheegay inay tallaabadan tahay mid horseedaysa inay Soomaaliya ka faa’iideysato suuqan.

Warsaxaafadeedka Wasiir Daa’uud Aweys ayaa waxa uu ku billowday sidan: Maanta waa maalin kale oo farxadeed iyo guul u soo hoyatay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cagta saartey tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ku biirista urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha ee dalalaka Bariga Afrika (East African Community – EAC).

Madaxda dowladaha xubnaha ka ah ururkan ayaa kulankoodii 21-aad oo ka dhacay magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, waxay si rasmi ah ugu ansixiyeen warbixinta guddigii gaarka aha ee loo xilsaarey hubinta codsiga Soomaaliya ee ku biirista ururka. Ansixintaas kaddib waxaa madaxda ay fareen xoghaynta ururka inay billaabaan habraacii farsamo ee Soomaaliya ay rasmi ahaan ugu biiri lahayd ururka.

Sida aad la wada socotaan tan iyo markii sanad ka hor la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu muhiimad gaar ah siiyay xoojinta xiriirka gobolka iyo kan caalamiga ah.

Bishii July, Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu si xubin sharafeed ahaan uga qaybgaley shir madaxeedkii EAC ee lagu qabtay magaalada Arusha ee dalka Tanzania. Waxaana wax lagu faano ah in wax sanad ka yar ay Soomaaliya kasbatay kalsoonida wadammada xubnaha ka ah ururka oo isla qaatay in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Ku biirista Soomaaliya ee ururka mas’uuliyadaha la socda ka sokow, waxay keeni doontaa faa’iidooyin dhanka dublamaasiyadda, is-dhexgalka bulshada, isku-socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh. Ganacsatada Soomaalida ayaa fursad u heli doona inay ka hawlgalaan dhammaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay.

Ugu dambeyn, Faa’iidooyinkan waxaa la socda in baasaboorka Soomaaliga uu ka mid noqonayo midowga baasaboorrada Bariga Afrika oo sahlaya isku socodka iyo deegaanka muwaadiniinta dalalka xubnaha ka ah ururka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here