Shirkii Maamulka Gobolka Banaadir oo looga hadlay Aqoonsiga Dadweynaha iyo Qodobo kale oo muhiim ah: SAWIRRO

0
314

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka todobaadlaha ee maamulka gobolka Banaadir, waxaana goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha guduha XFS mudane Axmed Macalin Fiqi, maareeyaha guud ee hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga Qaranka, mudane Cabdiweli Cali Tima-cade, taliyaha hoggaanka xiriirka bulshada ee booliiska Soomaaliyeed iyo madaxda maamullada degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

Hay’adda diiwaan-gelinta iyo aqoonsiga Qaranka ayaa soo bandhigtay nidaamka daadejinta iyo qaadashada aqoonsiga Qaranka, iyada oo dhawaan degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir laga billaabi doonno in muwaadiniintu qaataan aqoonsiga Qaranka, kaasoo uu horey u qaatay madaxweynaha JFS iyo madaxda kale ee ugu sarreeya dalka.

Sidoo kale, shirka ayaa loogu hadlay la-shaqeynta hay’addaha amniga, la-dagaallanka maandooriyaha iyo khawaarijta, iyadoo la kaashanayo bushada (Cummunity Police) si loogu hortago dhagaraha khawaarijta. Dhinaca kalena la dar-dargeliyo taageerida ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee dagaalka kila jira Khawaarijta si dalka oo dhan looga sifeeyo.

Waxaa kaloo shirka loogu hadlay u diyaar-garowga roobabka mahiigaanka ah ee la filaayo inay ka da’aan dalka iyo saadaasha El-Nino, waxa uuna Duqa Muqdisho magacaabay guddi heer gobol ah oo ka shaqeynaya u diyaar-garowga xaaladaha ka dhalan kara El-Nino.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Madaale ayaa barakacayaasha iyo dadka ku hoos nool guryaha jilicsan ugu baaqay in feejignaan ay muujiyaan, isaga oo faray gudoomiyeyaasha degmooyinka, culumada, hay’adda heer federaal iyo shacabka intiisa kale inay doorkooda ka qaataan xaalad walba oo ka dhalan karta Allaha naga najeeyee roobabka iyo dabaylaha la saadaaliyay ee El-Nino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here