Ciidanka booliiska saldhigga degmada Dharkeynley ayaa gacanta kusoo dhigay eedeysane Yuusuf Daahir Xasan oo 53 jir ah, kuna eedeysan kufsi iyo afduub uu u geysatay gabar 11-jir ah 31-kii Maarso ee sanadkan 2023.
Tan iyo markii ay dhacdaan dhacday ciidanka booliiska ayaa baadi-goobayay eedeysanaha, waxa ayna ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen caawa, waxaana la horgeen doonaa sharciga .
Dhanka kale, Dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta ayaa caawa fiidkii ay la qaraxday miino uu ku aasayay waaxda 1-da Luulyo ee deegaanka Daarusalaam, sida uu sheegay taliska guud ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska booliska qaybta guud ee Gobalka Banaadir ayaa lagu yiri: “Taariikh 4/4/2023, abbaare 8:30 PM deegaanka Daaru-salaam, waaxda 1-da Luulyo waxaa miino kula qaraxday dhagar-qabe ka tirsan Khawaarijta oo ku hawlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed, mana jiraan wax khasaara ah oo kasoo gaaray shacabka, waxayna ku qaraxday Khawaarijkii ku hawlanaa dhagarta shacabka Soomaaliyeed.
Gunaanadkii, Ciidanka booliiska waxa ay ku hawlan yihiin baaritaanka cidda u soo dhiibtay miinada naftiisa halligaha ay ku qaraxday.













