Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan isla-xisaabtan iyo dardargelin shaqo ah la yeeshay mas’uuliyiinta maamullada degmooyinka Hawlwadaag iyo Hodan.
Duqa Muqdisho ayaa warbixin la xariirta horumarrada iyo caqabadaha dhinaca shaqooyinka ah ka dhageystay qaybaha kala duwan ee maamullada Howlwadaag iyi Hodan, waxa uuna kula dardaarmay dardar-gelinta adeegyada bulshada, la-dagaallanka maandooriyaha, anshax-xumada, nadaafadda iyo in laga fogaado musuqa.
Ugu danbeyn, Duqa Muqdisho waxa uu faray madaxda degmooyinka Hodan iyo Hawlwadaag in si dhaw loogu war hayo bulshada ku nool degmooyinkaas, si caruurta ay u helaan waxbarasho, dadka danta yarna la gar-gaaro, isla markaana bulshada lagu wacyigeliyo ka shaqeynta horumarka iyo amniga degmooyinka ay ka taliyaan.




























