Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in mar kale uu maanta kulan kula qaato xubnaha Midowga musharixiinta madaxweynaha.
Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in kulanka uu ku qabsoomo maalagaada Muqdisho,ayna ka soo qeybgalaan dhamaan xubnaha midowga musharixiinta, si loo dar dar geliyo qabsoomidda doorasho wada ogol ah.
Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono doorka ay Midowga Musharixiinta ku yeelan doonaan wada hadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.
Beesha Caalamka oo dhowr jeer kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka dalbatay inuu qaato doorkiisa ku aadan wadahadallada lagu dhiiragelinayo qabsoomidda doorashada.













